Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Afhayeenka Ciidamada Amisom oo Beeney in Qarxii Shaley Ciidamo kagadhinteen
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:316
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:688
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 24 2008
Afhayeenka Ciidamada Amisom oo Beeney in Qarxii Shaley Ciidamo kagadhinteen
Written by Ali Moallim   
Saturday, 24 May 2008

Moqdisho, (insidesomalia.org)- Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Barigye Bahouku oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wuxuu beeniyay qarax shalay lala beegsaday Ciidamadooda ay askar kaga dhinteen.

Captain Barigye Bahouku waxa uu sheegay in qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay shan Askari kaga dhaawacmeen, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in ay jireen Askar qaraxaas kaga geeriyootay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom in uu qaraxaas ku geeriyooday nin rayid ah, kaasi oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ku qabsaday, wuxuuna sheegay in uu Ninkaas ku geeriyooday Isbitaalkooda, halka uu sheegay in uu jiro qof kale oo rayid ah oo ay Isbitaalkooda ku daweynayaan.

“Qaraxaas waxba uma dhimi doono howsha nabad ilaalinta ah ee aan Muqdisho u joogno, waana sii wadi doonnaa howshaas” ayuu yiri Captain Barigye Bahouku oo sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo qarax miino lala beegsado Ciidamadooda.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye Bahouku ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo ay soo baxayeen warar sheegayay in qaraxii shalay lala beegsaday Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda ay dhowr Askari ku dhinteen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr qarax oo lala beegsaday, kuwaasi oo isugu jiray Miinooyinka dhulka loogu aasay iyo weliba Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loogu geliyay fariisin ay ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, 2,600 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxay Magaalada Muqdisho uga howlgelayaan magaca Amisom iyagoo ilaalo ka haya Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo muhiim u ah isu socodka Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ilaa iyo haatan aaney Muqdisho soo gaarin Ciidamo kale oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >